Ra”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

SHARE

Facebook

Twitter

Baydhabo (somalipm.com) Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gaaray magaa;lada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya iyo madax kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra”iisul Wasaaraha dalka ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doona Shirka golaha amniga Qaranka oo lagu wado Maalinta Bari ah  inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.

Shirkaas waxaa sidoo ka;le ka qeyb galaya madaxda dawlad goboleedyada iyo laamaha kale ee dawladda, waxaana diiradda lagu saarayaa xaaladda amni ee dalka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda.

Doorashooyinka soo socda sidii loo qorshayn lahaa iyo geedisocodka dhamaystirka Dastuurka ayaa ka mid ah ajandayaasha shirka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleJaamacadda Carabta oo ka hor-Timid diidmada Mareykanka ee Qadiyadda Falastiin.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here