Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo u Safray Dalka Ingiriiska

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul Wasaare Kheyre oo Xalay kormeeray Wasaaradda Shaqada+ Sawirro
Next articleShirka looga hadlayo Badroolka Soomaaliya oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Dalka Ingiriiska


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here