Sacuudiga oo fashiliyay Gentaal ay ku tuureen Xuutiyiinta Yemen

SHARE

Facebook

Twitter

RIYADH-(somalipm.com)-Ciidamada difaaca Cirka ee Sacuudiga ayaa Isniinta Maanta ah ka hor tagay Gentaal nooca Balaatigga ah oo ay ku weerareen dagaal yahannada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen, sida laga soo xigtay Ilo ku dhow isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Gentaalkan oo laga tuuray Waqooyiga Gobolka Sacda ayaa waxaa Hawada ku bur-buriyay Ciidamada difaaca Cirka ee ku sugan Gobolka Jizaan ee Koofurta Dalka Sacuudi Carabiya.

Telefishinka ku hadla Afka Xuutiyiinta Yemen ee Al-Masira ,ayaa xaqiijiyay in Gentaal ay ku tuureen Garoonka Diyaaradaha Jizan ee koonfurta Sacuudi Carabiya uu halkaasi ku dhacay, waloow anan la sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay.

Gentaalkan ay Sacuudiga ku weerareen Xuutiyiinta ka dagaallama Dalka Yemen ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ay ku tuuraan inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Isha/ Anadolu

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxa Golaha Wasiirada Galmudug oo kormeeray Cisbitaalka ee Gobolka Galgaduud+Sawirro
Next articleMareykanka oo ku hanjabay cunaqabateyntii ugu adkeyd ee la saaro  Iran


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here