Sawiro:-Saraakiisha Imaaraadka Oo Hubkoodii Loo Diiday In Ay Kala Baxaan Boosaaso

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa mudo saacado ah ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil tababaraayal Imaaraad ah kuwaas oo mudo Puntland u joogay howlo tababareed.

Saraakiishaas oo doonayey in dalkooda ay dib ugu laabtaan ayaa waxa xayiray Ciidamada Puntland ee ku sugan Garoonka kadib markii Saraakiisha Imaaraadka ay diideen in baaritaan lagu sameeyo boorsooyin ay wateen oo shaki gelisay Ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Puntland iyo Xubno uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow ducaale ayaa kulan ay wada qaateen kadib ugu dambeyn waxaa loo ogolaaday Saraakiisha Dowladda imaaraadka in ay Garoonka Boosaaso ka dhoofaan.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha ay sidoo kale doonayeen in ay dalka kala baxaan Hubkooda oo ay ku jiraan Gawaarida dabaabaadka,isla markaana Dekada Boosaaso uu u taagnaa markab ay doonayeen in hubkooda ay ku rartaan,balse taasi ay diideen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Saraakiishii Tababarayaasha Imaaraadka u  dhashay ee ku sugnaa Boosaaso ayaa iasga baxay halkaasi,iyaga oo diyaarad qaas ah ka raacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Imaaraadka eek u sugnaa Boosaaso ayaa wax ay tababbar siin jireen ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland,waxana arrintaani ay ku soo aadeysaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Download PDF

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDaawo Video:-Xiisada Dhinaca Dublumaasiyada Ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka Ayaa u Muuqata mid sii Xumaanaysa


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here