Shan ka tirsan Daacish oo lagu dilay Ciraaq

SHARE

Facebook

Twitter

BAGHDAD-(somalipm.com)-Shan ka tirsanayd kooxda Daacish ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Kirkuuk, sida Maanta oo Sabti ah laga soo xigtay Saraakiisha Booliska Ciraaq.

Diyaarad dagaal oo la rumaysan yahay in uu leeyahay Maraykanka ayaa Gentaal ku bartilmaameedsatay Degmada Rashaad oo ku taalla Koofur Galbeed Gobolka Kirkuuk, sida uu Wakaaladda Wararka ee Anadolu u sheegay  Sarkaal Booliska ka tirsan oo lagu Magacaabo Hamed al-Obaidi.

Laba Maalmood ka hor ayay ahayd markii ay laamaha ammaanku ku dileen isla Gobolkaasi Kirkuuk Siddeed ka tirsanayd Kooxda Daacish.

Bishii December ee Sanadkii tagay ayay ahayd markii ay Dowladda Ciraaq iyo Ciidamada kaabaya ee Maraykanka ahi ku dhowaaqeen inay ka adkaadeen ururka Daacish inta badan Dalka Ciraaq.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleCiidamada Ammaanka Degmada Boondheere oo gacanta ku dhigay Rag falal amni daro geysanayay+Sawirro
Next articleMadaxda 2-da Korea oo mar kale ku kulmay xadka kala qeybiya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here