Shir ka socda Nairobi oo la filayo in laga soo saaro go’aanno looga hortagayo arrimaha Abaaraha iyo Fatahaada

SHARE

Facebook

Twitter

Nairobi(somalipm.com);- Waxaa maalintii saddexaad galay shir looga hadlayo arrimaha Fatahaada iyo abaaraha kaasi oo ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,waxaana shirka si rasmi ah uga furmay Xarunta Bank Aduunka Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Ka qeyb galayaasha shirka ee Dowladda Somaaliya iyo Beesha caalamka ayaa inta uu shirka socda diirada saari doona ka doodista geedi socodka wax ka qabashada dhinacyada dib u kabashada iyo u adkeysiga Abaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan arrimaha soo laab laabtay sida Fataahada iyo Abaaraha Dalkeenna.

Maanta gelinka danbe ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka,iyadoona laga soo saari doono go’aan mideysan ahmiyadna u leh Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashada arrimaha masiibooyinka ee Fatahaada iyo Abaaraha soo noq noqday.

Shirkan ayaa ku soo aadaya,xilli Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxda Nigeria & Mareykanka oo ka wada-hadli doona Amniga & qodobo kale


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here