Syria: Baarayaasha hubka Kiimikada ah ee QM oo gaarey Douma

Syria(somalipm.com) Markii ugu horeysay mudadii ay soo ifbaxday duqeyntii hubka Kiimikada ah loo adeegsaday ayaa waxaa dalkaasi Syria,gaar ahaan magaalada Douma gaaray wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa,halkaasi oo ay haystaan falaagada dowladda ka soo horjeedda.

War ka soo baxay Hey’adda OPCW ayaa lagu sheegay in khubaradooda ay soo uruuriyeen walxa ay ku baari doonaan sheybaaradooda.

Madaxda hey’addaasi OPCW oo u xilsaarin xaqiiqio raadinta in hub Kiimiko ah loo isticmaalay dad shacab ah  ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo inay dib ogu laabtaan goobaha la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada.

Muddo dhowr jeer ah ayaa dib u dhac kuyimid socdaalka baaritaan ee khuburadaasi sababo la xiriira ammaanka goobahaasi oo qataro laga soo sheegayay,maadaama ay booqanayeen meel weerar uu ka dhacay.

Warar haatan soo baxaya ayaa muujinaya in Saraakiisha reer galbeedka ay iyaguna ka cabsi qabaan in caddaymaha muujinaya hubka kiimikaad ee la tuhunsanyahay in halkaa lagu garaacay la baabiiyey kahor inta aanay baarayaasha gaarin halkaasi.

Dowladda Suuriya oo taageero k ahaysatay Ruushka ayaa horay u beenisay inay qaadeen weerar kiimika ah, taasi oo sababtay in Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ay duqeeyaan goobo la sheegay in lagu keydiyo hubka kiimikada ee gudaha wadanka Suuriya.

Hadaba la arki doonee jawaabta ay la imaan doonaan xubaha guddigan oo loo xil saaray baaritaanka arrintaasi,iyadoo weli ay muuqanayso in uu jiro jahwareer ka dhashey suuragalnimada in cadeymo la helo.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here