Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Xeebta Liido Farxadda Ciidda kula qaatay Bulshada Muqdisho+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Kooxda Fanaaniinta Onkod ee Ciidnaka Asluubta Soomaaliyeed   ayaa bandhig-faneed lagu guubaabinayey Shacabka Soomaaliyeed si ay qeyb uga noqdaan horumarada kala duwan ee dalka iyo dowladnimada ku qabtay xalay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxaaana halkaasi isugu yimid kumanaan shacab ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa  Taliyaha Ciidnka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale, waxaana intii ay munaasabaddu socotay Taliyaha Ciidanka Asluubta uu salaan la dhex qaaday shacankii halkaasi joogay si uu ugala qeyb qaato farxadda munaasabadda Ciidda.

Gaashale Sare Cabdirashiid Cismaan Coloow Madaxa Hogaaanka waciyi-gelinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ugu horeyn sharaxay ahmiyadda muaasabadda ayaa sheegay in Fanaaniinta Kooxda Onkod ay ugu talo galeen in farxadda Ciidda ay la qaataan Bulshada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah bulshadii halkaasi joogtay oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la caweeyaan ciidanka Qaranka, islamarkaana taasi ay muujineyso horumarka Dowladnimo ee dalka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Cabdikariin Cali Afrax ayaa tilmaamay in mar waliba ay u taagan yihiin sidii shacabka ay ula qeybsan lahaayeen farxadda Ciidda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleAfar kamid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu khaarajiyey Gobolka Baay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here