Taliyaha  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Jabuuti “Sawirro”

SHARE

Facebook

Twitter

Djibouti (somalipm.com), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

labada Taliye ayaa kawada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen , Xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga qibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jamhuuriyadda Jabuuti ay siiso Dawladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabad gelyada si wadajir ah iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleUrurka Iskaashiga Islaamka oo ka hadlay dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohingya
Next articleWabiga Shabeelle oo Fatahaad ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Mahadaay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here