Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta kormeer kedis ah ku tagay xarunta Gaadiidka Booliska “Sawirro”

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska, waxaana uu u kuur galayey sida ay u socdaan howlaha shaqo ee halkaasi ka socda.

Taliyaha, ayaa mid mid u soo indho indheeyey dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan, isaggoo xog wareystay Saraakiisha iyo Ciidanka ka howl gala Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kordhiyey kormeerada kediska ah ee uu ku tagayo Xarumaha iyo fadhiyada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si loo dardar geliyo shaqada Ciidanka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWar-murtiyeed:- Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo soo xirmay “Sawirro”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here