Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo siweyn loogu soo dhaweeyey Dalka Jabuuti+sawirro

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa Gaaray Caasimadda dalka Djibouti,waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Djibouti kornel Cabdullaahi Cabdi iyo Taliyaha waaxda dambibarista CID Janaraal Kadiye iyo Taliyaha Hoggaanka ilaalinta ammaanka Canshuraha Soomaaliya Cabdullahi Xasan bariise oo horay ugu sugnaa Dalkaasi Djibout.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ah u kuurgalka howlaha la xiriira tababarada la siinayo ciidanka Booliska Soomalaiyeed ee Dalkaasi Jabuuti lagu tababaro,iyo sidii loo xoojin lahaa.

Markii u gaaray magaalada Jabuuti ayaa wuxuu taliyuhu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeeshey saraakiisha Booliska Dowladda Jabuuti iyo saraakiisha karanbinyeriga ee dowladda Talyaaniga ee Jooga Wadankaasi Jabuuti.

Janaraal Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Taliyaha Ciidanka Booliska Soomalaiyeed ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti wuxuu u kuurgalidoonaa tayadda tababarada la siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed,maadama dalka Jabuuti inta badan tababar lagu siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dalka Jamhuuriyadda walaalaha aan nahay ee jabuuti ayaa waxaa uu dowr weyn ku leeyhay garab istaaga Soomaaliya,waxaana halkaasi kuyaala xero lagu tababaro ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iyadoo horeyna ay halkaasi uga soo bexeen cutubyo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,kuwaasi oo haatan dalka ka howlgala.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here