Taliyaha ciidanka Sudan oo gaaray xadka Itoobiya

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Taliyaha ciidanka Sudan Lt Gen Maxamed Cusman Al-Xuseen ayaa maanta gaaray xuduudka Sudan ay Itoobiya la leedahay.

Saxaafada Sudaan ayaa sheegtay in dhawaanahan ay xuduuda ka jirto qalaalaso ay wadeen ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah kuwaas oo dad rayid ah ku laayay deegaanka bariga Sudaan.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xiisada xadka ku saleysan ee u dhaxeysa labada dal ay iminka gaartay meel adag.

Itoobiya ayaa Sudaan ku eedeysay in ay ku xadgudubtay dhulkeeda halka Sudaan ay sheegtay in ay soo ceshatay xuduudeeda caalamiga ah ee la aqoonsanyahay. Labada dal ayaa isku haya dhulka beeraha hodanka ku ah ee  Al-Fashqa.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul Wasaaraha oo la kulmay danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar “SAWIRRO”


Source: somalipm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here