Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xeradda Gen.Gordon+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kormeeray galabta xerada Gen.Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka, taliyaha ayaana khudbad u jeediyay ciidankii ay Imaaraadku gacanta ku hayeen, wuxuuna sheegay iney ka mid yihiin ciidanka xoogga dalka isla markaasna uu waajibaad ka saaran yahay difaaca dalka, dadka iyo diinta.

 

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay iney muhiim tahay in markasta ciidanku aaminaan iney u dagalamayaan difaaca karaamada iyo qarannimadda waddankooda. 

 

Ciidanka ayaa dhankooda balan qaaday iney ilaalin doonaan nidaamka ciidan ee waddanka u yaal waxa kale oo ay sheegeen iney mar kasta ku weyn tahay waddanimada iyo difaaca dalka. 

 

Taliyaha ayaa marka uu dhammeeyay kulanka uu la qaatay ciidankan iyo taliyaashooda wuxuu kormeer ku maray dhammaan xerada wuxuu soo arkay gaadiidka xerada yaala, sidoo kale taliyaha ayaa dhexgalay isbitaalka ku yaala xerada.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDowladda Turkiga oo tallaabo wanaagsan ku tilmaamay hannaanka loo Daryeello Maxabiista Xabsiga dhexe ee Xamar “SAWIRRO”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here