Tiradii ugu badneyd suxufiyiinta oo ku dhaawacmay Qasa.

SHARE

Facebook

Twitter

Maamulka Falastiin ee marinka Qasa,ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dhaawacyo u geysteen  55-Suxufi, oo ku howlanaa soo gudbinta todobaadyo ay socdaan bannaanbaxyo ashtako ah oo ay dhigayeen dadka reer Falastiin.

Warbixin laga soo saaray maamulka Qasa ayaa lagu sheegay in bishii Meey ee la soo dhaafay ay  ciidamada Israa’iil  kordhiyeen waxyeelada loo geysanaayo Suxufiyiinta,waxaana intaa la raaciyay in mudadii ay socdeen bannanbaxyada reer Falastiin,sagaal ay haleeshay rasaas nool-nool,sideedna ay dhibaato ka soo gaartay qaraxyo,halka 38-kale ay dhibaato uga timid sunta gaaska ee loo adeegsado dibadbaxyada.

Ooraalkaasi ayaa lagu xusay in ciidamada Israa’iil ay burburiyeen 4-gaari oo ah kuwa baahiya wararka,isla markaana ay daanta galbeed ee marunka Qasa ka qabteen 7-Suxufi,iyadoo tirada guud ee dhibanayaasha ka howlgala Saaxaafadda ka dhigeysa 125.

Sida laga soo xigtay Waasiirka Caafimaadka ee Falastiin oo maalinimadii shalay soo saaray warsaxaafadeed,ayaa sidoo kale sheegay in dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii socday todobaadyadii u dambeeyay ay gaarayaan 123-ruux oo ay ku jiraan 12-caruur ah,2-dhaqtar,2-Suxufi,halka la dhaawacay dhowr kun oo qof.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSaraakiil sar sare oo ka tirsan W/kuuriya oo xilkii laga qaaday


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here