Toogasho ka dhacday California,xilli wallaac laga muujiyay dhibaatada hubka ee Mareykanka

SHARE

Facebook

Twitter

(somalipm.com)…Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii iyo afar kale oo ku sugnaa koonfurta Californiama,kahor inta uusan isdilin,sida ay xaqiijiyeen Boliiska.

Shilkaasi oo dhacay maalinimadii shalay,ayaa yimid waqti ninkaasi geystay dhimashada uu Gaari xamuul ah oo ay leeyihiin shhirkadda Bakersfield uu ku kaxeystay xaaskiisa,,isla markaana uu bilaanay in uu dilo 5-ruux oo ay ku jirto xaaskiisa,kadibna isdilay.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa wallaac Hey;adda Xuquul Insaanka ee Amnest Internatinal ay ka muujineyso kororka nuucyada hubka iyo saameynta uu ku yeeshay dadka Mareykanka ah.

Waxyeelada  ay dhaliyaan nuucyada huka ee lagu isticmaalo gudaha Mareykanka,waxa ay noqdeen kuwo dhibaatooto ku ah xuquuuqda aadanaha sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saaartay Hey;adda Xuquuql Insaanka ee (Amnesty International) .

Warbixintaan oo soo baxday Talaadadii ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ogolaatay in dhibaatada hubka ay noqdaan kuwo waxyeeleeya xuquuqda aadanaha.

116,000 ayaa la xaqiijiyay in ay la ildaran yihiin dhibaatooyinka ay keeneen nuucyada hubka ee gudaha Mareykanka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka.(Sawirro)


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here