TOP NEWS: DF Soomaaliya oo u gudbisay Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho Dalab adag, oo aan farxad-galin Imaaraatka, Maxaase ku qornaa?

Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ay si rasmi ah ugu gudbisay Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho dhambaal ay kaga hadlayso xaaladdihii ugu dambeeyey ee labada dhinac, gaar ahaana joojinta taageeradii ay Soomaalidu ka heli jirtay Xukuumada DUBIA ee dhinaca Ciidamada ah.

Warkii.com waxay ogaatay in dawladda Faderaalku ay cadeysay in ay la wareegtay dhamaan ciidamadii ay Imaaraatku gacanta ku hayeen ee kusugnaa gobalada dalka, sidaas oo kalena talaabo kasta oo ay qaadayaan khuburada iyo tababarayaasha Milateri ee Imaaraatka ay si dhaw ula socoto dawladda Faderaalku.

Nuqul qoraalka dawladda Faderaalka waxaa lagu cadeeyey in ciidamada Imaaraatku ay tababareen ay ka mid yihiin ciidamada Ilaalada Xeebaha ee kusugan gobalada Puntland, wax kasta oo lagu dhisay ciidankaas iyo agabyada ay ku gaashaaman yihiin ayaa lagu sheegay Hanti Qaran oo ay leedahay Soomaaliya.

Dawladda Faderaalku waxay kaloo sheegtay in masuuliyada ciidamadaas iyo kuwa lamidka ahba ay noqon doonaan kuwa ay maamusho dawladda dhexe, Shaqada ay hayaana ka qabanaya goobaha ay hadda ku sugan yihiin, waxaana laga hortagay sidda muuqata in ay Imaaraatku la baxaan qeybo muhiim ah oo kamid ah saanadda ay geeyeen xeryaha tababarada.

Dhambaalka xukuumada Faderaalku u gudbisay Safaaradda Imaaraatka ee Muqdisho waxay ka dhigan tahay fariin kale oo adag kana timi dhinaca Xukuumada Soomaalida, waxayna ku soo beegantay xili is maandhaaf xoog badan ka taagan yahay dhinaca taageerada Milateri ee mudo dheer ay Soomaalidu ka helaysay Imaaraatka.

Lama garan karo jawaabta Abu Dhabi ay ka bixin karto warka dawladda Faderaalka Soomaaliya xili ay 48 saac ee lasoo dhaafay xoogooda oo dhan iskugu geeyeen sidii ay ula bixi lahaayeen agabyo ciidamada ee ay ka mid yihii hubka gaashaman oo ay horey u keenen meelo kamid ah gudaha dalka Soomaaliyeed, gaar ahaana Saldhigyo kuyaala maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed, Puntand, Jubbaland & Gobalka Banaadir.

Cilaaqaadka siyaasadeed ee Soomaaliya & Imaaraatka Carabta ayaa maalin kasta ku sii hoobanaya god, waxaana ugu dambeyntii xaaladdu ay is bedeshay, markii ay dawladda Faderaalku gabi ahaanba laashay iskaashigii Milateri ee labada dal, iyadoo aysan jirin wax is afgarad ah ama wada hadal ah oo ay dhinacyadu yeesheen, xiisaddii lacagta la qabtay iyo arrimihii DP WORLD waxay ka dhigeen xaaladda waji kale oo halis ah.

Download PDF
Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here