
Muqdisho (somalipm.com) Munaasabadan oo lagu dooranayay Guddoomiyaha cusub ee Ururka Iskaashatooyinka Qaranka ee Beeraleyda Soomaaliyeed, oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Intii ay munaasabadu socotay ayaa waxaa lagu doortay Maxamuud Abiikar Axmed oo loo doortay Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo ku xigeenkiisa.
Guddoomiyaha Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed Cad-ceed Cismaan Shuriye oo ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Beeraleyda Soomaaliyeed.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan DR C/casiis Dhega qool ayaa si wada jir ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Beeraleyda Soomaaliyeed, iyagoona ugu baaqay inuu wax badan u qabto Bulshada.
Muddooyinkan ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed waxey dadaal ugu jireen sidii loo Hormarin lahaa wax soo saarka Dalagyada Beeraha.
W/D:- Muse Osman Abtow
Source: somalipm.com
