Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka hadlay dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohingya

Muqdisho(ONNA);- Shirka dalalka ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee “OIC” ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhaka ee dalka Bangaladesh.

Shirka ayaa sanadkaan diirada lagu saaray arrinta Qaxootiga Muslimiinta Rohingya,shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka kala yimid 28-dal oo ku mideysan Ururka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Marwada Ra’iisal wasaaraha ka ah dalka Bangaladesh oo shirka ka hadashay ayaa dalalka Muslimiinta ah ka codsatay in si adag loo garab istaago Qowmiyada Rohingya kuwaasi oo xasuuq loogu geystay dalka Myanmar.

Magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangaladesh ayaa markii labaad waxay marti gelisay shirka Wasiirada arrimaha dibada ee Ururka iskaashiga islaamka,waxayna markii ugu horeysay oo shirkan ay marti geliso ay ahayd sanadkii 1983


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here