Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Garoowe +Sawirro

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.

Mudane Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Goalaha wakiillada ee Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) iyo xubno ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi.

Shir Jaraa’id oo ay Labada mas’uul ku qabteen qeybta Dadka muhiimka ah ee VIP-da loo yaqaan ayay ku sheegeen in ay wada shaqayn dhow ka dhaxayso Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay Maalinta Sabtida ah kaga qeyb galaan Magaalada Garoowe Caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni oo dhowaan la doortay.

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweyne Siciid Deni oo ka qeyb galay aaska Jeneraal Carays + Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here