Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida Suudaan oo soo gaaray Muqdisho

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka dalka Suudaan Gen. Salah Abdalla Maxamed Gosh ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdiga Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida dalka Suudaan oo booqasho rasmi ah ku yimid.

Inta ay joogaan Wafdiga ka socda Dowladda Suudaan ayaa waxay kullamo kala duwan la yeelan doonaan Mas’uuliyiinta Nabad sugida Soomaaliya iyo Madaxda Dowladda.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo tababarada Ciidamada Qalabka,kuwaasi oo marar badan tababar ku soo qaatay dalkaasi.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGuddiga Joogtada ah ee G/Shacabka oo maanta ka hadlay qorsheyaasha Golaha horyaaha kalafadhiga 4-aad+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here