Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay War ka soo saareyso Shaqaaqadii ka dhacday degmada Wadajir

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya War kasoo saareyso Shaqaaqadii Maalin ka hor ka dhacday Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmadda Wadajir.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Isloow “Duucaale” iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdu go’aan cad kasoo saareyso dhacdadii ka dhacday Siligga Ameerikaanka ee Magaaladda Muqdisho taas oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa sheegtay in arrintan soo noqnoqtay dibna isugu laabaneyso Dowladda Soomaaliya si-arrintan go’aan uga gaarto.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukuar Islow ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay Xaafadda Siligga.

Wasiir Isloow ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya baaritaan rasmi ah ku sameyneyso wixii ka dhacay Siligga loona dulqaadan doonin arrintan soo laalaabato.

Wasiir Isloow ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inaysan ku kadsoomin dhul aan sharci aheyn inay iibsadaan.

“Waxaan Xildhibaano iyo Wasiiro ku nahay Madaxiina waxaana ka xunahay wixii halkan kadhacay dadka dhintay waxaan ka qeyb qaadaneynaa sidii loo aasi lahaa sidoo kalena kuwa dhaawaca ah waxaad geysan kartaan Isbitaalkii aad rabtaan Dowladda ayaa garab idinka siineysa wixii aad rabtaan” sidaas waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale”

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Xarunta Degmada Wadajir+sawirro
Next articleMaxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here