Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS oo waddo qorshe lagu dhisayo waddooyinka halbowlaha u ah dalka

Muqdisho(somalipm.com);- Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dar dar gelineysa Barnaamijka hirgelinta qorsheyaasha dhismaha iyo dib u soo celinta billicda dalka,waxaana si taasi loo gaaro maanta Wasaaradda shir la yeelatay Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha Gobolka Banaadir.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow, Agaasime waaxeedyada Guriyeynta, Dib u dhiska, Qorshaynta, iyo Wakiilada Shirkadaha Dhismaha.

Waxaa ujeedada ugu wayn ee Shirka ahayd Sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ee Madaxda Sare ee Dalka ay Ku dhawaaqeen iyo Sidii Wasaaradda Hawlaha Guud & Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha ay u wada Shaqayn lahaayeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay iney jiraan heshiisyo ay Wasaaradda la gashay Beesha caalamka,kaasi oo ku aadan dib u dhiska ioyo soo celinta bilicda dalka.

Wuxuuna Wakiilada shirkadaha ka socday kula dardaarmay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska,isagoona cadeeyay in shirkdaha u kala mudnaan siin doonaan siday ugu heelan yihiin bilic soo celinta dalkooda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska, & Guriyeynta Dowladda Federaal Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa uga mahadceliyey Madaxda Shirkadaha kashaqeeya Dhismaha ka soo qeyb galkooda shirka.

Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa waddo qorshayaal lagu dhisayo waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here