Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ku guuleysatay in ay Caalamka ku qanciso qaabkii Somalia Deymaha looga cafin lahaa

SHARE

Facebook

Twitter

Washington(somalipm.com) Waxaa Magaalada Washington Dc ku soo geba geboobay shirkii Sadex geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Kaluumaysiga iyo waxbarashada XFS oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda  C/raxmaan Ducaale Bayle iyo Madaxda Hey’adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bangiga Aduunka oo isku dhinac ah.

Shirka oo socday ilaa iyo Todobaadkii tagay waxyaabaha lagu lafa guray waxaa ka mid ahaa horumarka Maaliyadda Dalka, Sara ukaca Dakhliga Dowladda, Bixinta Mushaarka Joogtada ah iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyaddu ku tilaabsatay.

Miraha shirkaan ka soobaxay waxay guul horudhac ah u yihiin Dowladda Soomaaliya oo caalamka looga leeyahay Balaayiin Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen maamulka Maaliyadeed, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo horumarka ay gaartay Dowladda, taasna waxay sababtay in hadaba ay bilaabato howsha Cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

“Waxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF/Bangiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga Cafiyo Deymaha lagu leeyahay iyadoona ay haddaba bilaabatay howahii iyo qaabkii Deymaha nalooga cafin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr Bayle.

Dhinaca kale Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha uu soo hooyay Wasiirka Maaliyadda iyo dadaalka uu sanadkaan u galay sare uqaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda iyo qaabkii loo maamulay oo ahaa qaab hufan.

 

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliyihii Ciidamada Suudaanta koofureed oo geeriyooday


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here