Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo meel gabo gabo ah marsiineysa qeybinta Manhajka Waxbarasho ee Dalka

Muqdisho (somalipm.com) Manhajkan waxbarasho oo ku saleysan dugsiga koowaad ilaa Afaraad ayaa wasaaradda waxbarashu ugu talo gashay in lagu jiheeyo waxbarashada Aas Aasiga ah oo ay heleen ubadka Soomaaliyeed, waxaana manhajkan maanta nasiib u yeeshay in loo qeybiyo ardayda fasalada koowaad iyo afaraad ee Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Maxamuud Mire.

Agaasimaha waaxda dugsiyada ee wasaaradda Waxbarashada Hidaha iy Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Muuse Maxamed Caraale ayaa sheegay in meel gabo gabo ah ay mareyso qeybinta Manhajka ay diyaarisay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

“Schoolkii 22-aad ayaan geynay Manhajka, inta noo dhiman wan gaarsiineynaa”ayuu yiri.

Maamulaha Dugsiga Maxamuud Mire Drs Khadiijo Aadan Daahir ayaa u mahad celisay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada oo Schoolka soo gaarsiiyey Manhajka waxbarasho ee la diyaariyey.

“Wasaaradda waxbarashada aad ayey ugu mahadsantahay in maanta ay nasoo gaarsiiso Manhajkii ay soo diyaarisay, Bari wixii ka dambeeya Manhajkaan ayaa Dugsiga lagu dhigayaa”ayey tiri Dr Khadiija Aadan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay ku dadaaleyso tayeynta iyo sare u qaadista Waxbarashada dalka.

“Runtii dowladdu waxey ku dadaashay sidii waxbarashada dalka loo hormarin lahaa, waxaan leeyahay waalidiinta Soomaaliyeed iyo maamulada Dugsiyada nagala shaqeeya sidii ubadkeena aan waxbarashadooda u tayeyn laheyn”ayuu yiri wasiir ku xigeenka Waxbarashada.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here