Wasaaradda waxbarashada XFS oo sagootin u sameysay 41 arday oo Shiinaha Deeq waxbarasho ka heley+sawirro

Ilaa 41 arday oo kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016-2017 ayaa munaasabada dhiirogelin iyo sagootin loogu sameyey Muqdisho,iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Mr Wang Peng  oo ah qunsulka Safaaradad SHiinaha ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya ardaydaasi oo deeqah waxbarsho ka heley shiinaha,waxaa uu sheegay in dowladda Shiinaha ay markasta diyaar la tahay taageerada SOomaaliya.

Maryan Aadan Amiin oo ah agaasimaha xiriirka arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa godaadisay dadaalka ay sameeyeen ardaydaasi,waxaana ay sheegtay in ay tahay mid ku timid cadaalada iyo sinaan gobolada ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradad Waxbarashada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha dowrkeedi ku aadan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in ardayda ay ka faa’idaystaan ardaydaasi.

Ardaydi ayaa isugu jira kuwo ka kala yimid deegaanada dowlada Goboleedyada iyo gobolka Banadir,waxaana ay aadidoonaan dalka Shinaha oo ay deeq waxbarasho ka heley.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here