Wasiir Arrimaha Dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka

SHARE

Facebook

Twitter

Istanbuul (somalipm.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro.

Wasiir Molud Oglo, ayaa ku baaqay in la xurmeeyo midnidada iyo madaxbanaanida dalalka.

Dalalka Carabta iyo Islaamkana ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweyne Gaas oo Daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Iyo Dhexe ee Puntland
Next articleMaamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here