Wasiir Beyle oo shir muhiim u ah Soomaaliya uga qeyb galaya Nairobi+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirar isdaba joog ahaa ee uu la lahaa Madaxda Hay’adda Lacagta Aduunka ee “IMF”.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu rajeynayo shirarka uu kaga qeyb galayo magaalada Nairobi iney noqdaan kuwo miro dhal ah oo ay ka soo bixi doonaan qodobo Soomaaliya muhiim u ah.

“Maanta waxaan u ambabaxay Magaalada Nairobi oo aan uga qeybgalayo shirka SMP3 oo ah kii ugu dambeeyay shirarkii isdaba jooga ahaa ee aan la yeelanaynay madaxda IMF. Shirkaan waxaan rajeynayaa inay ka soo bixidoonaan qodobo Soomaaliya muhiim u ah,” ayuu Yiri Wasiir Beyle oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebooka.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa geedi socodka maaliyadeed ee Soomaaliya u fududaysanaya in laga cafiyo Balaayiin Doller oo lagu leeyahay, waxaana lagu wadaa in halkaasi lagu saxiiso SMP3 (Staff-Monitored Program) oo ah wajiga 3-aad ee shuruudaha la doonayo in Soomaaliya ay buuxiso si lacagahaasi looga dhaafo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDowladda Soomaaliya ma ka bixisay Jawaabtii kaga aadanayd gurmadka Daadadka?
Next articleWafdi ka socda hay’adda Gargaarka Boqorka Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here