Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo dib u hagaajin ku samaynaya qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa maanta oo Sabti ah shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, waxaana loogaga hadlay dib u habaynta qaab dhismeedka maamul, si loo horumariyo howl-gudashada, lana wanaajiyo jawiga shaqada si ka qeyb qaadan karta hirgelinta howlaha si hufan, taabagelinaysana awoodaha iyo qaadashada go’aan habsami leh.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa sheegay in dib u hagaajinta qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda ay la jaanqaadeyso aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si loo gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee xakamaynaya, midaynaya, sidoo kalena is-waafajinaya howsha si loo horumariyo adeegyada qunsuliyadeed iyo waxqabadka shaqo, iyada oo loo marayo hay’ad dhisid hufnaan iyo waxtar leh.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleXuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”


Source: somalipm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here