Wasiirka amniga XFS oo warbixin amniga dalka ku saabsan siiyay guddgiga amniga Golaha Shacabka+sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com) Guddiga Arrimaha Guddaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Kulan la qaatay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale iyo  saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka oo ay shir-Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddigaasi ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta guddigaasi iyo hay’adaha amniga qaabilsan,si la isaga kaashado sugidda amniga dalka.

Intii kulanka uu socdo ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka laga dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya,isagoo guddiga faah faahin ka siiyay xaalaga amniga ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed ABuukar Islow Ducaale ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada,islamarkaana ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa xoojinta amniga guud ahaan dalka.

Kulankani ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan howlgal ballaaran oo ku aadan sugidda amniga caasimadda,loogana hor tagayo falalka guracan oo dhagar qabayaashu ay ka geysanayaan Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul Wasaaraha XFS oo Dhameystiray Golihiisa Wasiirrada
Next articleMaxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here