Wasiirka Batroolka oo kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Muqdisho (somalipm.com), Kulankaan oo looga hadlayey sida looga faa’iideysan karo  Kheyraadka, batroolka iyo tamarta iyo qaabka xirfada shaqaalaha wasaaradda sare loogu qaadi lahaa,  ayaa wasiirka wasaaraddaasi mudane C/rashiid Maxamed Axmed waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Norwey ee u fadhiya soomaaliya.

Kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadlayey xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, waxaana sidoo kale  goob joog ka ahaa kulanka wasiir ku xiggeenka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi.

Danjiraha dowladda Norwey u fadhiya  Soomaaliya  danjire vebjorn Heines, ayaa  waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka saacid  doonaan tababarida shaqalaaha, ayna siinayaan taageera joogto ah.

Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed,  ayaa uga mahad celiyey Danjire  vebjorn Heines sida ay wasaaradda uga caawinayaan sare u qaadida Xirfadda shaqaalaha.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here