Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Galmudug oo faahfaahin ka bixiyay qorshaha Horumarineed ee ka socda Galmudug

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Jaamac Qalab xoor oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay Mashaariic horumarineed oo ka socda Gaalkacyo iyo Hobyo, isagoo sheegay in Maamulka Galmudug oo kaashanaya bulshadiisa uu suurtagal ka dhigi karo in ay sameeyaan isku tashi ay ku xoojinayaan horumarka deegaankooda.

Wasiirka ayaa sheegay in Guul weyn ay tahay in lasoo gaba gabeeyay dhismaha wadada Hobyo iyo Gaalkacyo, wuxuuna tilmaamay in Dowlad goboleedka Galmudug ay ka go,an tahay sidii ay u dhisan lahaayeen goobaha adeegyada aas aasiga ah loogu qabto bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobolada dhexe ee Dalka.

Hadalkaan Wasiirka dekadaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli Maamulka Galmudug oo kaashanaya Ganacsatada iyo jaalliyadda kasoo jeeda Gobolada Mudug iyo Galguduud ay wadaan qorshayaal horumarineed.

Bulshada Gobolada dhexe iyo Dowlad goboleedka Galmudug ayaa baahi weyn u qaba helitaanka kaabayaal dhaqaale oo loogu adeego bulshada Reer Galmudug, iyadoo ay xusid mudan tahay in insha lagu wadahayo suurta galnimada hirgalinta dekedda Magaalo xeebeedka Hobyo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo faah faahin ka bixisay safar ay ku tagtay Dalka Kuwait


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here