Wasiirka Difaaca Madagascur oo ku janjabay in uu faragelin militari ku sameyndoono xisadaha siyaasadda ee dalkaasi ka taagan

Antananarivo(somalipm.com) Waxaa circa isku sii shareeraya xiisadaha dhanka siyaasadd aee ka taagan Dalka Madagascur oo dhanac Koonfur Bari ee Qaaradad Afrika,kaasi oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda,xili doorashooyin loo diyaargaroobayo.

Wasaaradda difaaca Dalkaasi Jeneraal Beni Xavier Rasolofonirina oo ka jawaabaysa xiisadahaasi ayaa soo saartay digniino hor leh,iyadoo Wasiirka Gaashaandhiga uu ku hanjabay in uu adeegsan doono awood Militari haddii aan wax laga qaban ismariwaaga siyaasadeed ee dalkaasi hareeyey,inta aan la gaarin xiliga doorashada.

Maxakamadda Dastuuriga ah ee dalkaasi ayaa cadaadis ku saartay madaxweynaah wadankaasi in uu soo dhiso dowlada loo dhan yahay,si looga gudbo ismari waaga siyaasadeed ee dalkaasi Madagascur ka taagan.

Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dadaalo ay dowladda dalkaasi ku dooneysay inay hoggaamiyaaha mucaaradka kaga hor istaagto inuu ka qeybgalo doorashada.

Wasiirk difaaca ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaasha dalku ay soo afjaraan qalalaasaha siyaasadeed, haddii si kale loo dhigana in ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanshahooda ayna dhisaan dawlad loo dhan yahay oo qaran.

Doorashooyin ayaa lagu wadaa in ay dalkaas ka dhacaan qaybaha dambe ee sannadkan, balse siyaasiyiin iska soo horjeeda ayaa raba in midba midka kale uu u adeegsado maxkamadaha si uu u wiiqo.

Wadanka Madagascur ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada soo maray Afgembiga oo ay caanka ku tahay qaaradda AFrika,waxaana laga joogaa muddo 10 sano ah markii dalkaasi uu ka dhacay afgembi,taasi oo weli saameynteedi taagan.

Wadanka Zimbabwe ayaa dhawaan waxaa ka dhacay afgembi lagu sameeyey Roberta Mogabe,madaxweynihii hore ee dalkaasi.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here