Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com), Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed  ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  Arrimaha Ciiidamada Ee Safaarada Talyaaniga oo Dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga Soo Magacowday .

kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga Dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib  udhiska Ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliyaha Booliska oo sheegay in lasoo qabtay Afar qof oo ku eedeysan dilka Gabadhii Ardayada aheyd


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here