Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa kula kulmay Wafdi heer sare ah oo ka socda Bankiga Aduunka+Sawirro

Muqdisho (somalipm.com) Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Wafdi heer sare ah oo ka socda Bankiga Aduunka.

Wasiirka iyo wafdiga uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kawada hadlayn horumarinta Xiriirka labada dhinac iyo kordhinta tageeradda Bangiga Aduunku siiyo hay’adda Dawladda gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha.

Wefdiga ka socday Bankiga Aduunka ayaa muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin xiriir dhow oo ay la yeeshaan wasaaradda, si looga wada shaqeeyo fulinta howlaha muhiimka ah ee Bankiga aduunka oo ka qabto Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdi Maareeye ayaa tilmaamay in wasaaradu ay soo dhaweeneyso cid waliba oo kala shaqeneysa horumarinta iyo fulinta mashaariicyada muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here