Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta Magaalooyinka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo isla maanta xubnaha Golaha Shacabka ay soo gaba gabeeyeen Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleIndonesia: digniin xagga caafimaadka ah  oo la soo saaray


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here