Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Puntland oo La dhaariyay+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Boosaaso(somalipm.com);- Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Maamulkuba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada Maamulka ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay inuu  socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo lagu Khaarijiyay degmada Qoryooleey


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here