Weerarka Doma:-Waa isbarbar dhiga Awoodda loolanka u dhaxeya Washington iyo Moscow

Doma(somalipm.com):–Khabiir  u dhashay dalka Ruushka oo xubin ka ah Golaha dalka Ruushka u qaabilsan arrimaha Dowliga ah, isla markaana ah  khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda dibadda ee Ruushka laguna magaacaabo Yuri Barmin ayaa soo bandhigay qoraal uu ka diyhaariyay xiisadda weerarkii Sunta kiimikada aheyd ee la sheegay in lagu qaaday magaalada Doma.

Qoraalkan oo ay soo bandhigtay Wakaaladda wararka ee Turkiga ANDOL waxa ay si qota dheer uga hadashay qoraalka khibaarkaasi iyo aragtidiisa ku wajahan weerarka Doma lagu qaaday 7 bishan Abril taasoo xiise kale ku sii abuurtay dalka Suuriya, iyo dowrka Mareykanka ee ku lug lahaasha dhacdadaasi sii horisay xaaladda Suuriya.

.U adeegsiga hubka dilaaga ah ee Kiimikida dalka Suuriya ma ah mid ku cusub dalkaasi,balse sida warbixinada lagu sheegay dhor  mar ayaa loo adeegsaday suntaasi dagaalka ka socoda suuriya oo ay isaga soo horjeedaan mucaaradka iyo Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Bshaar Al-asad,

Sanadkii 2013 kii ayay aheyd markii bariga Alquda oo ku taala duleedka Caasimada Damascus loo adeegsaday suntan, waxayna arrintaasi sababtay in quwadaha Ruusha iyo Mareykanka ay heshiis ka gaaraan  in la baabi’yo ama la ciribtiro hubka dilaaga ah ee uu haysto Madaxweynaha suuriya,, lakin Bashaar al-asad ayaa sii waday qorshihiisa adeegsiga hubkaasi dilaaga ah, isla markaana ku keydsaday meelo u gaar ah.

Sida qoraalka lagu xusay Waxaa shaki ku jirin  in weerarkii dhawaan lagu qaaday Doma uu loolan xagga siyaasadda ah ka dhex abuuray Washington iyo Moscow oo ah sheegashada cidda iyadu  sabab u ah guul darada ku habsatay Daacish.

Waxayna arrintaasi sababtay inuu sii xoogaysto tartanka labada quwadood ee Mareykanka iyo Ruushka oo gaaray meel aan hore aduunka soo marin kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald thuramp 20 kii bishii janaayo ee sanadkii 2017 kii uu ku faristay kursiga aqlka cad looga arrimiyo dalka Mareykanka,

Hadda oo Daacish qarka u saaran tahay inay baaba’do maamulka Bashaar Al-asad wax isbedel ah kama uusan muujinin arrintgaasi,waxaana sii kordhay loolanka Mareykanka iyo Ruushka  oo ah cidii gacanta sare ka yeelan laheyd arrinta bariga dhexe.

Waxaa soo ifbixi kara qaabab kale oo tartankaasi labada quwadooda ah ay ku wajahayaan suuriya, sidoo kale waxaa iyana la isku khilaafsan yahay hanaankii dib loogu dhisi lahaa dalka Suuriya oo ay burburiyeen dagaalada wajiyada badan leh ee ka socoday ku dhawaad muddo 7 sano ah.

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu shuruud ku xirtay ka qeyb qaadashadeeda dib u dhsika suuriya marka uu dhamaado dagaalka dhamaadka ku dhow oo weli ka socoda halkaasi, waxayna cadeysay inay siyaasad caadil ah la iman doonto marka uu dagaalka ka dhamaado Suuriya waana arrin Ruushku  u qaadanayo qorshahaasi ka soo yeeray Mareykanka mid ciyaar ah oo lagu fashilinayo nabadda dalka Suuriya lana doonayo in la baabi’yo nidaamka ka dhisan suuriya.

Tan iyo markii dhicitaankii Daacish ee magaalooyinka Raqqa iyo Deir al-Zour, waxaanu aragnaa isbeddel ku yimid dagaalka Suuriya iyadoo la soo saarayo saddex qaybood oo kala duwan: mucaaradka taageersan Turkiga ee waqooyiga iyo Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya (PKK) iyo xukuumadda Suuriya oo taageera Ruushka.

W/D:-Muqtaar Maxamed Xasan (Muqtaar somalipm.com)


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here