Xaaskii Aboud Rogo oo lasii daayay

SHARE

Facebook

Twitter

Mombasa-Kenya-(somalipm.com)-Maxkamadda sare ee Magaalada Mombasa Dalka Kenya ayaa Maanta oo Jimca ah dib xorriyaddeeda u siisay ,Hania Sagar oo ahayd Xaaskii , Sheekh Aboud Rogo Maxamed, oo 2012-kii ay dileen Ciidamada Kenya.

Qaaddiga Maxkamadda  Mombasa, Dora Chepkwony, ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay Mss, Hania wuxuuna tilmaamay inaan wax caddeyn ah loo helin waxyaabaha lagu soo eedeeyay, xogta la hayana ay tahay mid daciif ah.

Bishii February ee Sanadkan 2018-ka, ayay racfaan ka qaadatay Maxkamadda sare ee Mombaasa, iyadoo caddaalad darro ku sheegtay xukunka 10-ka Sano ah oo lagu riday eedeymaha loo so jeediyayna ay yihiin kuwo been abuur ah.

Hania Sagar, ayaa horay loogu eedeeyay inay wax ka ogeyd Saddex Haween ah oo weerar fashilmay ku qaadday Saldhig Boliis oo ku yaalla Magaalada Mombasa 2016-kii,kuwaas oo lala xiriirinayo inay Gacan saar la leeyihiin kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Isha/Agencies

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSoomaaliya iyo UNHCR oo ka wadahadlaya muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku xaniban Libya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here