Xildhibaanada Golaha shacabka oo kullankoodii maanta arrimo muhiim ah kaga hadlay

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Kullanka Guud ee munayaasha Golaha Shacabka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxay kaga hadleen sii wadista agendaha la xiriira wax ka bedelka xeer hooseedka Golaha shacabka oo kullankan kii ka horeeyay mudanayaasha aad uga doodeen.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa aad uga dooday qeybtii ugu horeysay xeer hoosaadka Golaha shacabka,waxaana ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka.

Xildhibaan Faarax Xasan Cabdi oo ka mid ah Guddiga Xeer hoosaadka Golaha shacabka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay qodobka ka hadlaya Xasaanadda wuxuuna yiri” arrinta Xasaanadda Xildhibaanada annaga waxaan ka tagnay malahan,intii horay ugu taalay xeer hoosaadka waa ku taalaa,hadaad fiirisaan daraftiga aan idin keenay waxaa ku qoran waa farqada saddexaad macnaha waxaa weeyaan markii hore labo farqaa ku qornaa tani waa kordhis,waxaan kaloo rabaa inaan sheego Guddiga xeer hoosaadka howlaha u yaalaa Xasaanadda Golaha shacabka Keliya ma ahan,waxaa jira oo laga sugayaa xeerkii anshaxa,waxaa laga sugayaa xeerkii xuquuqaha siyaasiyiinta iyo xeerkii daryeelkii Guud.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo kullanka soo xiray ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada sida ay talooyinkooda Guddiga ugu biiriyeen,isagoona Guddiga ku booriyay in looga baahan yahay iney xoogga saaraan arrinta xeer hoosaadka Golaha iyagoo kaashanaya talooyinka ay xildhibaanada soo jeediyeen.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Mursal in maalinta isniinta ay ka doodi doonaan qeybtii labaad ee Xeer hoosaadka oo la qeybiyay,isagoona Xildhibaanada kula dardaarmay iney si wanaagsan u soo akhriyaan ayna jiri doonin wax la boobsiinayo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDuqa Muqdisho iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha Caasimadda+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here