Yugaabdha oo gar-gaar u soo dirtay Dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle

SHARE

Facebook

Twitter

Kampala-(somalipm.com)-Dowladda Yugaandha  ayaa gar-gaar ugu deeqday Qoysaska ay fatahaadda Webiga Shabeelle saameeyeen ee ku nool degaanka Golwayn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Raashiin kala duwan oo ka kooban Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan, ayaa loo mariyay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Ku xigeenka Danjiraha Dalka Yugaandha u fadhiya Soomaaliya, Maj. Gen. Nathan Mugisha, ayaa ambabixiyay kolonyada Gaadiidka ee  Cuntada u siday Dadka ku tabaalaysan Golweyn.

Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha.

Isha/ AMISOM

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleBoqorka Sacuudiga oo magacaabay wasiirro iyo xilal kale
Next articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Warfaafinta


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here